Saraakiil ka tirsanaa Al-shabab oo Galgala lagu diley

Image

October 5, 2014 (GO)- Ciidamada ammaanka Puntland ayaa hawlgal ay gelinkii hore ee maanta ka sameeyeen agagaarka deegaanka Galgala waxay ku dileen labo sarkaal oo ka tirsanaa Al-shabab.

Ila wareeedyo lagu kalsoon yahay oo ka agdhow laamaha ammaanka ayaa Garwe Online u xaqiijiyey warkan iyagoo intaas raaciyey in raggani kamid ahaayeen kuwii fuliyey weerarkii lagu tiley Col. Jaamac Af-guduud oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada Daraawiishta fadhigoodu yahay buuraleyda Galgala.

Labada nin oo magacyadooda Garowe Online heshay waxay kala yihiin Labo nin oo magacyadooda lagu soo gaabshey Ina Carab halka nin kale la oran jirey Ina Haaruun, maalinta berri ah ayaana la filayaa in meydadkooda loosoo bandhigo warbaahinta.

Ciidamada Puntland ayaa hawlgal ballaaran oo afar maalmood kahor ka sameeyeen buuraleyda Galgal waxay kula wareegeen saldhigii ugu weynaa Al-shabab ee buuraleyda Galgala.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM