Saraakiil ka tirsanaa Al-shabab oo Galgala lagu diley

Image

October 5, 2014 (GO)- Ciidamada ammaanka Puntland ayaa hawlgal ay gelinkii hore ee maanta ka sameeyeen agagaarka deegaanka Galgala waxay ku dileen labo sarkaal oo ka tirsanaa Al-shabab.

Ila wareeedyo lagu kalsoon yahay oo ka agdhow laamaha ammaanka ayaa Garwe Online u xaqiijiyey warkan iyagoo intaas raaciyey in raggani kamid ahaayeen kuwii fuliyey weerarkii lagu tiley Col. Jaamac Af-guduud oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada Daraawiishta fadhigoodu yahay buuraleyda Galgala.

Labada nin oo magacyadooda Garowe Online heshay waxay kala yihiin Labo nin oo magacyadooda lagu soo gaabshey Ina Carab halka nin kale la oran jirey Ina Haaruun, maalinta berri ah ayaana la filayaa in meydadkooda loosoo bandhigo warbaahinta.

Ciidamada Puntland ayaa hawlgal ballaaran oo afar maalmood kahor ka sameeyeen buuraleyda Galgal waxay kula wareegeen saldhigii ugu weynaa Al-shabab ee buuraleyda Galgala.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM