Saraakiisha Booliska Puntland oo tababar loo furay
Isniin, Sept 15, 2014 (Garowe Online)- Qaar kamid ah saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland ayaa maanta tababar toban maalmood socon doona looga bilaabay magaalada Garoowe.
Tababarka oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Amniga, Taliska Booliska iyo UNDP, waxaa furay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar.
Ugu horreyn wuxuu kula dardaarmay saraakiisha la tababarayo inay ka faa'iideystaan macluumaadka ay heli doonaan muddada uu aqoon isweydaarsigu socdo.
"cilmi badan ayaad halkan ka baranaysaan noocuu doonaba ha ahaadee, waxaa laydiinka baahanyahay idinkuna inaad ka faa’iideysataan degmooyinkii aad katimaadeena aad ugu faa'iideysaan" Madaxweyne ku xigeenka ayaa yiri.
Shaqada booliska ayuu sheegay inay tahay mid aad u adag, wuxuuse ku dhiiri geliyey inay howshooda halkaas kasii wadaan mas'uuliyadda dalka iyo dadka ka saaran si fiican uga soo dhalaalaan.
"waad ogtihiin anaguna waan ognahay inaad shaqo dhibkeeda leh khatarteeduna badan tahay umadda u haysaan...dadaal ayaa inoo ballan ah" Mudane Camey ayaa sidaas yiri mar uu bogaadinayey hawlaha uu boolisku qabto.
Gabagabadii, wuxuu lagama maarmaan ku tilmaamay tababarrada caynkan oo kale ah maadaama ay wax badan ka tari doonaan kobcinta aqoonta booliska iyo tayeynta shaqooyinka ay qabtaan.
Hay'adda UNDP oo Dowladda Puntland dhinacyo badan ka taageerta, ayaa horay tababarro midkan oo kale ah ugu qabatay saraakiil ka tirsan booliska Puntland.
GAROWE ONLINE.