Sarkaal ka shaqeeya hay'ada IRC oo lagu xirey magaalada Garowe

Image

19 Nov, 2015 (GO)- Sarkaal ka tirsan hay'ada IRC ( International Rescue Committee) oo fadhigeedu yahay magaalo madaxda Puntland ayaa la xirey kadib markii uu tagey saldhiga Booliska magaalada Garowe isaga oo ka dacwoonaya hanjabaad kaga timid madaxtooyada Puntland.

Sarkaalkan oo magaciisa la yiraahdo Deeq Maxamuud Xaashi ayaa wararka warsidaha Garowe Online helayo sheegayaan inuu madax ka ahaa guddi madaxweyne Cabdiweli Cali Maxamad Cali Gaas la kulmey maalmihii lasoo dhaafey.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhowaan la kulmey madaxda hay'adaha caalmaiga ka howlgala magaalo madaxda Garowe isagoo u sheegey in mashaariicda ay bixiyaan soo mariyaan guddi qandaraasyada kasoo gudoomiye ku-xigeen ka yahay agaasimaha mashaariicda madaxtooyadda Cabdiqani Farax Dhaashane.

Wakilada hay'adaha ayaa guddi ay iska xuleen gaarsiiyey madaxweynaha Puntland in siyaasadooda tahay in qandaraasyada ay bixiyaan soo marin karin guddiyo kale madaama la musuqmaasuqi karo qaabka loo soo xulo dadka ku guuleysanaya fulinta mashaariicdaan.

Wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in sarkaalkaan kadib markii uu go'aanka madaxda hay'adaha u  gudbiyey madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas uu la kulmey hanjabaadyo uga yimaada madaxtooyada Puntland.

Sarkaalkaan oo cabsi ka muujiyey hanjabaadahaan ayaa tagey saldhiga magaalada Garowe isaga oo damacsanaa in uu la socodsiiyo fariintaan uga timid madaxtooyada ciidamada Booliska balse la xirey.

Deeq Maxamud Xaashi ayaa sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka tirsan shaqaalaha hay'ada IRC weli ku xiran saldhiga dhexe ee Booliska magaalada Garowe.

NB: 

The International Rescue Committee responds to the world’s worst humanitarian crises, helping to restore health, safety, education, economic wellbeing, and power to people devastated by conflict and disaster. Founded in 1933 at the call of Albert Einstein, the IRC is at work in over 40 countries and 26 U.S. cities helping people to survive, reclaim control of their future and strengthen their communities. Twitter and Facebook.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM