Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland – Sarkaal ka tirsanaa hay'adda dambi-baarista dowladda Puntland ayaa xalay waxay dabley ku dishay waqoyga magaaladda Gaalkacyo, sidda uu xaqiijiyey taliska booliska gobolka Mudug.

Marxuum Cumar Maxamed Samatar oo ay beegsadeen kooxaha hubeysan xilli uu kusii jeeday hoygiisa ayaa ku naf-waayey isla goobta, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, intaas ku daray in dableydu baxsatay.

Sidda ay warbixinadda muujinayaan, gacan-ku-dhiigleyaasha waxay tiradoodu ahayd saddex waxaana ay ku carareen mooto Bajaaj.

Taliyaha booliska gobolka Mudug, Muu’min Cabdi Shire oo u waramay warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen qof la tuhunsan yahay in uu kaalin ku lahaa falka khaarijinta.

"Waxaa la yaqaanaa cidda dilalka noocaan ah fulisa. Cid kale ma ahan waa manaxayaashii Al-Shabaab. Horey ayaan uga fashilinay falal kale. Waxaana baaritaan ku wadnaa qofka aan u soo qabanay dilka," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo xusay in la maxkamadeyn hadii dambi lagu helo.

Marka laga reebo sheegashadda taliyaha, ma jiro war rasmi ah oo Al-Shabaab kasoo saartey ama ku sheegatay dilka marxum Samatar.

Bishii hore ee Maarso 1-keeda ayay ahayd markii Al-Shabaab ay waqoyga Gaalkacyo gaar ahaan mehradiisa ganacsi ay ku dishay wariye Jamaal Faarax Aadan kaasoo ay ku eedeysay in uu sarkaal mukhaabaraad ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM