Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland oo Bosaso lagu diley

Image

May 3, 2015 (GO)- Sarkaal ka tirsanaa ciidamada ammaanka Puntland ayaa caawa lagu diley magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Labo nin oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa abbaare 7:00 fiidnimo isgoyska Xalwo Banaadir ku toogtey sarkaalkaas oo lagu magacaabi jirey Maxamuud Axmed Dheere.

Dableyda dilka geysatey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan, waxaa u suurtagashay inay durbadiiba baxsadaan.

Goobta dilku ka dhacay oo ku dhow suuqa Bosaso ayaa ah meesha ugu mashquulka badan guud ahaan magaalada.

Afar maalmood kahor ayey ahayd markii bam-gacmeed lagu tuurey bar-kantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan ilaaladda dekedda Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM