Sarkaal ka shaqeynayey hay'ada IRC oo xabsiga laga sii daayey

Image
Image
Image

24 Nov, 2015 (GO)- Waxaa xabsiga dhexe ee magaalo madaxda Puntland ee Garowe laga sii daayey sarkaal ka shaqeynayey hay'ada IRC ( International Rescue Committee) kadib markii amar kasoo baxey madaxtooyada Puntland lagu xirey.

Deeq Maxamuud Xaashi ayaa wararku sheegayaan in xorayadiisa dib u heley kadib markii odayaal ka socda beeshiisa madaxweynaha Puntland hadal kala yeesheen sii daynta sarkaalkaan.

Sarkaalka hay'ada IRC ayaa xabsiga loo dhaadhicyey kadib markii uu saldhiga magaalada Garowe u tagey inuu dacwo ahana u gudbiyo hanjabaado kaga yimid madaxtooyada Puntland.

Xariga sarkaalkaan ayaa waxaa ka hadley hay'daha u dooda xuquuqda aadanaha kuwaasoo ku tilmaamey mid sharci daro ah.

Warsidaha Garowe online ayaa ah mdka kaliya ee baahiyey xariga sarkaalkaan loo gaystey isaga oo ku guda jira howlihiisa bini'aadnimo.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhowaan kulan uu la qaatey madaxda hay'adaha caalamiga ah kaga dalbadey iney la shaqeeyaan guddi qandaraas ee uu dhowaan magacaabey.

Madaxda hay'adaha caalamiga ee ku sugan ee Puntland ayaa diidey in guddigana la shaqeeyaan iyaga oo xusey in keeni karta in la musuqmaasuq qaabka mashaariicda loo bixiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM