​Save The Children oo ka walaacsan xaaladda dadka u hayaamay Bariga Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Hay'adda Save The Children oo ka howlgasha deegaanada Puntland, ayaa ka walaacsan xaaladda dadka u hayaamay gobolka Karkaar ee Bariga Puntland, halkaas oo ay ka jirto dhibaato nololeed oo laxaad leh.

Madaxda hay'adda Save ee Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa waraysi dheer oo uu siiyay Radio Garowe, wuxuu uga hadlay kormeer ay ku tageen deegaanada Bariga dhaca halkaasoo ay kula kulmeen reer guuraa tiro badan, waxayna tiro koob ay sameeyeen ku sheegeen inay deegaanadaas tageen ku dhawaad 10,000 oo qoys.

Xaange, ayaa tilmaamay inay soo arkeen dhib aad u tiro badan, taasoo isugu jirta cunto la'aan, Biyo la'aan iyo hoy la'aan lasoo daristay qoysas tiro badan.

Wuxuu intaas ku daray inay dadka halkaas ku sugan isaga kala yimaadeen deegaanada Puntland iyo maamullada dariska la ah, isagoo sheegay inay u baahanyihiin gurmad laxaad leh.

Madaxda Save ee Puntland, ayaa xusay inay ka hay'ad ahaan ku deeqeen biyo iyo kooxo ka shaqeeya caafimaaadka, maadama sida uu yiri halkaas ka jiraan caafimaad darro soo wajahday dadka iyo duunyada intaba.

Mar wax laga weydiiyay qorshahooda xisaga, wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan kaalmada ay la garab taaganyihiin umadda halkaas ku sugan isagoo baaq u diray shacabka Somaliyeed, dowladda iyo hay'adaha kale ee ka howgala Puntland oo ka codsaday inay soo caawiyaan dadkaas oo u baahan kaalmo deg deg ah.

Kormeerka hay'adda ayaa yimid kadib markii halkaas isugu tageen qoysas badan oo ka barakacay abaaraha ka jira gobollada Somalia, kuwaas u naq-raacay gobolka Karkaar oo bishii hore roobab ka da'een.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM