Saxaafada oo qadacdey iney tabiso dib u soo noqoshada Madaxweynaha Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo galabta dib ugu soo noqdey magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa gabi ahaan saxaafada ka howlgasha magaalo madaxda qaadacdey in ay kaga hortagto garoonka diyaaradaha islamarkaana kasoo tabiso shirkii jaraa'id uu ku qaban jirey xarunta madaxtooyada.

Qaadacaada saxaafada ayaa timid kadib iyagoo cabasho ka muujinaya hab dhaqankii Wasiirka warfaafinta Puntland iyo xariga aan loo meel dayin ee loo gaystey Idaacada Daljir xarumaheeda magaalada Garowe, Galkacayo iyo Bossaso.

Xafiiska madaxtooyada Puntland iyo talefishinka dowlada ayaa Wararka soo gaarey saxaafada ka yimaadeen faafintooda iyadoo wararka sheegayaan in Madaxweyne Gaas qorsheynayo inuu kulan la qaato maalmaha soo socda ururka saxafiyiinta Puntland.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa aflagaado, hanjabaad iyo Dastuur jabin u gaystey saxaafada Puntland isagoo ku dhaartey inuu xabad la dhici doono qaybaha kala duwan ee warbaahinta hadii aysan aysan u hogaansamin amaradiisa HALKAN KA DHAGEYSO

Dhinaca kale qaybaha kala duwan ee saxaafada ayaa ku tilmaamey ka maqnaanshaha shirka jaraa'id ee Madaxweynaha Puntland ee galabta kadib markii Mudane Gaas iyo xafiiskiisa si joogta ah u diidaan in wax laga waydiiyo arrimaha siyaasada ee taagan mar walba iyo shirarka uu kaga soo qayb galo koonfurta Somaliya.

Xirnaanshaha Idaacada Daljir ayaa waxaa cambaareyn u soo jeediyey dhamaan ururada iyo hay'adaha u dooda Xuquuda saxaafada kuwasoo xukuumada Puntland uga dalbadey iney degdeg u furto warbaahintaas.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM