Shacabka barakacay oo Galkacyo ku laabanaya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

08 December, 2015(GO)-Shacabkii ka qaxay dagaal dhexmaray maamullada Puntland iyo Galmudug 22-28 November, ayaa ku hawllan sidii mar kale dib ugu laaban lahaayeen magaalada Galkacyo, kadib markii 02 December, lakala saxiixday hishiis garwadeen ka ahayd dowladda Federalka Somalia.

Labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa dadka ugu badani ku laabanayeen magalada, xilli loo muujiyay ififaalo muujinaysa hishiis rasmi ah oo labada maamul dhexmaray.

Wariyaha Garowe Online oo safar shaqo todobaadkii la soo dhaafay Galkacyo u joogay ayaa sawirro ka soo qaaday shacabka laabtay, kuwaaso adeegsanayaa gaadiidka noocyadiisa kala duwan oo kuwa raaxadu ku jirto.

Inta u dhaxaysa Galkacyo iyo degmada Burtinle ayuu sawirrada ka soo qaaday, wuxuuna sheegay inuu arkay gawaari badan oo dib ugu laabtay xarunta gobolka Mudug, kuwaas oo sida agabkii dad barakacy isticmaalayeen.

Degmada Burtinline, Baacadweyne iyo Xarfo ayuu tilmaamay inay ka badalanyihiin sidii hore, isla markaana laga dareemo mashquul siyaada ah, maadama dad badan ku soo qaxeen, halka magalada Galkacyo badi faaruq tahay, isla markaana xiranyihiin goobaha waxbarashada.

"Runtii dadku waxay u laabanayaan si siyaado ah, abaarah 10:30 subaxnimo ayaan Galkacyo ka soo baxnay... soddon daqiiqo oo aan ku sugnaa afaafka hore ee magalada, waxaan arkay ku dhawaad soddon gaari oo wada carruur, haween, dad waayeel iyo dhallinyaro isugu jira... waxaana weliyay agabka ay isticmaalayeen intay ku sugnaayeen meelaha ka baxsan Galkacyo" Ayuu yiri wariyaha Garowe Online.

Waxa uu intaasi ku daray in magalada Galkacyo ammaan ahaan wanaagsanayd, balse dadku weli feejignaan muujinayaan, isagoo tilmaamay mudadii uu joogan inuusan arkin dhallaan ama da'yar ku sugan Galkacyo marka laga reebo tiro yar oo awoodi weyday inay ka baxaan magalada siday u xaqiijiyeen.

Mar uu soo dhexmaray gudaha magalada ayuu Wariyaha Garowe Online ku soo arkay bur-bur ay gaysteen rasaasta labada dhinac isweydaarsadeen, waxaana jira dib u haybayn iyo ka soo kabasho dadka shacabka wadaan.

Arrintan ayaa timi xilli madaxda Puntland iyo Galmudug shalay 07 December, u dhoofeen magalada Muqdishu halkaa oo uga qayb galayaan shir ku saabsan hiigsiga 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM