Shacabka Garowe ka banaanbaxay nidaamka 4.5

Image

18 December, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo nidaamka wax ku qaybsiga beelaha 4.5, kaasoo dhigeen shacabka ku nool caasumadda oo iskood isu soo abaabulay.

Dibadbaxan, ayaa lagu muujiyay sida dadka Puntland uga xunyihiinka habka qabaliga ah in lagu saleeyo doorashada la filayo in dalka Somalia ka dhacdo sannadka 2016.

Waxay shacabku dhaliil u soo jeediyeen dowladda Federalka, Egayga Qaramada Midoobay u jooga Somalia danjire Nichlos Kay, waxayna ugu baaqeen inay faragalinta ka daayaan rabitaanka shacabka. Dadka qaybtiis ayaa Madaxweynaha Somalia ku eedeeyay ku lug lahaanshaha dagaalada ka dhacay Galkacyo iyo Shabeellooyinka.

Madaxda Puntland ayay ugu baaqeen inaysan qaadan habkaasi oo looga gudbay shirar ka dhacay Garowe, waxayna kula taliyeen inay qaataan habka deegaanka in lagu soo xulo Xildhibaanada.

Banaanbaxan ayaa daba jooga kuwa kale oo ka dhacay magaalooyinka Puntland qaybtood. Shacabka ayaa cabsi weyn ka qaba in dib loogu laabto 4.5, kaaso ay ku sifeeyeen in laga dhaxlay dhibaatooyin weyn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM