​Shacabka Garowe oo ka hadlay handadaada wasiir Soocade [Dhagayso]

Image

GAROWE- Shacabka ku nool magaalo madaxda Puntland ee Garowe, ayaa  si kulul uga hadlay caburtinta dowladdu ku hayso qaybaha saxaafada, gaara ahaan xayiraada  Idaacada Daljir oo maalinkii 4-aad hawada ka maqan.

Shacabka oo aragtidooda lagu weydiiyay barnaamij maanta ka baxay Raio Garowe, ayaa cambaareeyay hanjabaada wasiirka wasaaradaa warfaafinta Maxamuud Xassan Soocadde dhawaam hawada u mariyay wariyaasha ka howlgala Puntland.

Dadwaynaha ayaa sidoo kale xukuumadda Madaxwayne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ugu baaqay in tilaabo ka qaado hadalka wasiir Soocadde oo ay ku sifeeyeen mid aan munaasab ku ahayn jiritaanka dowladda iyo ilaalinta dastuurka.

Barnaamijka oo si toos ah/Live uga baxayay idaacada ayaa ka qayb-galay qaarkood codsadeen in loo baahan yahay soo celinta xoriyadda maqal baahiyaha Daljir, waxayna xuseen in xayiraaddan sharci darrada ah xannibtay barnaamij kor u qaadayay tacliinta iyo madadaalinta dhalinyarada.

Aragtida shacabka Garowe ee ku aadan caburinta iyo caga-juglaynta wasiir Soocade ee warbaahinta Puntland, ayaa kusoo aadaysa xilli la qorshaynayo in Puntland u gudubto nidaamka axsaabta badan, waxaana madaxweyne Gaas loollankiisii murashaxnimo qayb ka ahaa inuu ilaalinayo xuquuqda hadalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM