Shacabka Garowe oo ka hadlay is-casilaadda Gudoomiyaha Barlamanka [Dhagayso]

Image

28 Octobar, 2015(GO)-Shacabka ku nool magalada Garowe ayaa maanta aragtiyo kala duwan ka muujiyay is-casilaadda Gudoomiyihii Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire oo ku dhawaaqay inuu dagay jagadaasi.

Qaar ka mid ah shacabka oo la hadlay Radio Garowe, ayaa soo dhaweeyay inuu is-casilo Gudoomiyuh halka qaar kale tilmaameen inay isagu leeyahay go'aankiisa, taasina ay tahay arrin caadi ah.

Dadka qaybtiis ayaa is-casilaadda Shire ku tilmaamay inay tahay cabsi uu ka qabay mooshinka, waxayna Barlamanka ku ammaaneen shaqada u hayaan bulshada.

Aragtidan ayaa dadka dhiibtay, waxaa ku jiray mas'uuliyiin horay xilal uga soo qabtay Puntland iyo qaar ka mid ah bulshada rayidka ah, waxayna soo jeediyeen in la isku duubnaado, doortaanna shakhsi hormar u keenay dalka iyo dadkaba.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM