Shacabka Garowe oo ka hadlay xariga sharci darada ah Wariye Deperani [Dhagayso]
19 November, 2015(GO)-Shacabka magalada Garowe,oo manta aragtidooda ka dhiibanayay Barnaamijka Ra’yiga dadweynaha ee ka baxay Idaacadda Garowe,kaasi oo diirada lagu saaray xariga loo gaystay Wariye Jamac Deparani, waxayna sheegeen in dowladda Puntland ku deg-degtay xarigaas oo aan hab waafaqsan nidaamka dalka u dagan.
Dadwaynaha ayaa dhaliil u soo jeediyay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade, waxayna tilmaameen inuu ku xad-gudbay dastuurka dalka, isla markaana uu tijaabinayo awoodiisa wasiirnimo.
Jamac Deparani ayaa markii ugu horaysay si sharci daro ah xabsiga Garowe u hoyana caawa, waxaana arrintaasi dhaliilay, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo wariyaal.
GAROWEONLINE