​Shacabka Garowe oo murashaxnimada Farole taageeray [Dhagayso]

Image

GAROWE- Barnaamij maalinle ah todobaadkii afar mar ka baxay Radio Garowe islamarkaana dadweynaha caasumaddu ka ra'yi dhiibtaan mowduuca taagan ayaa maanta looga hadlay murashaxnimada madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole oo todobaadkan shaaciyay inuu u taaganyahay xilka madaxtinimo Somalia 2016.

Barnaamijka ayaa sidoo kale lagu soo qaatay waxyaabihii lagu xasuusto mudadii uu madaxweynaha ka ahaa 2009 ilaa 2014.

Shacabka Garowe ayaa dhammaantood soo dhaweyay tallabada uu qaaday, waxayna u rajeeyeen inuu kusoo baxo loollanka doorashada Somalia iyagoo sheegay inuu yahay halyey taariikhda galay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM