Shacabka Garowe oo si adag uga falceliyey hadalkii Goodax Bare

Image

GAROWE, Puntland – Dadweynaha ku dhaqan magaalo madaxda dowlada Puntland ee Garowe ayaa si kulul kaga falceliyey hadalkii kasoo yeeray Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Bare.

Shacabka oo la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa muujiyey dareenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin erayadaas.

Qaarkood oo ku tilmaamay "mid khalad ah" ayaa ku booriyey wasiirka in uu ka laabto isla markaana "raali gelin buuxda uu bixiyo".

Muwaadiniin kale ayaa soo jeediyay in "khilaafka taagan" ay wada-hadalo ka galaan dowladda federaalka iyo Puntand "si loo badbaadiyo mustaqbalka dhalinyaradda iyo ardayda gudaha wax ku baratay".

Goodax Bare, oo sidoo kale ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka dalka, ayaa ku adkeystay "Puntland waa in ay galaan Imtixaanka ama isku filnaadaan oo aysan shahaado soo doonan".

Hadalkaas ayuu sheegay xili uu wareysi siiyey Talafishinka BBC-da oo wax ka waydiiyey muranka ka taagan dhanka shahaadooyinka.

Mas'uuliyiinta Puntland oo aan wali si rasmi kaga jawaabin go’aanka xukuumada federaalka ah ayaa horey u sheegay in dastuurka qabyada ah uu u ogolaanayo in ay si gaar ah u maamushaan arrimaha waxbarashada.

MUUQAALKA SHACABKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM