Shaqaalaha dowladda hoose ee Bosaso oo mudaharaadey [Dhageyso]

Image

25 August, 2015 (GO)- Waxaa maanta 25 August, 2015 magaalada Bosaaso ka dhacay banaanbax ay dhigayeen shaqaalaha dowladda hoose ee degmada Bosaaso kuwaasi oo ka cabanaya xuquuq ka maqan.

Qaar kamid ah shaqaalahaasi ayaa sheegay inay mushaar qaadan muddo 7-bilood ah.

Duqa KMG Ah ee degmada Bosaso Maxamed Siciid Shabelle oo la hadlay Radio Garowe  ayaa sheegay inuu dibad-baxaasi Jirro, balse isagu uu bixinayay mushaarka shaqalaha tan iyo markii xilkaasi loo soo magacaabey.

"Tiro yar oo ka mid ah shaqaalaha dowladda hoose oo isugu jira waaxda dakhliga iyo ciidanka deegaanka  ayaa maanta sameyay cabasho ay ku doonayaan 7 bilood mushaarkoodi ka maqnaa oo ay ku tirsanayaan maamulkii iga horeeyay, ani horeya ayaan cabashadan ula kulmay waxaan u ballan qaadey inaan mushahaarkooda siin doono inta aan kursiga joogo, taasina waan u oofiyay oo mushahaarkoda waxay u qaadanayeen joogto"Ayuu yiri shabeelle.

Cabashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Madaxweynaha Puntland uu kala direy golihii deegaanka degmada Bosaso oo loo qabtey in lagu soo dhisi doono muddo 45 cisho ah, balse waqtigaasi ayaa dhammaadey iyadoo usan muuqan dhismaha golaha deegaanka degmada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM