Shaqaalaha Jaamacadaha Puntland oo cashuur laga qaadayo

Image
Image
Image
Image

December 17, 2014 (GO)- Kulan looga hadlayey cashuur lagu soo rogey shaqaalaha jaamacadaha ayaa maanta ka dhacay xarunta Wasaaradda Waxbarashada Puntland ee magaalada Garowe.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Cabdixakiim Cabulaahi Cumar (Camey), Wasiirka Maaliyadda Shire Xaaji Faarax iyo qaar kamid ah maamuleyaasha jaamacadaha ku yaalla Puntland.

Wasiir Shire oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sharraxaad ka bixiyey cashuuraha lagu soo rogey shaqaalaha jaamacadaha iyo ujeedada laga leeyahay.

Wuxuuna sheegay in jaamacaduhu kamid yihiin hay'adaha ay shaqaalahoodu mushaharaadka fiican qaataan dowladuna go'aansatey inay cashuur ka qaaddo si dakhliga dowlada loo kobciyo.

Lix boqolkiiba mushaharka shaqaalaha jaamacadaha ayuu sheegay in dowladdu u qoondeysay in cashuur ahaan looga qaado.

Dhanka kale Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Maxamuud Xaaji Yuusuf oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in shaqaaluhu awood u lahayn inay bixiyaan xaddiga cashuurta dowladdu dul saartey.

Dowladda wuxuu ka codsaday inay arintaas dib ugu noqoto iyadoo qiimeynaysa xaaladda dhaqaale ee dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka oo isagu kulanka soo xiray ayaa lagama maarmaan ku tilmaamay cashuurta isagoo ku booriyey dhammaan qaybaha bulshada inay bixiyaan.

Waa markii ugu horeysey ee cashuur lagu soo rogo shaqaalaha jaamacadaha Puntland ka hawlgala oo badankoodu Soomaali ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM