Shaqaalaha Puntland TV oo dib u heley xorayadoodii

Image

Axad, September 28,2014 [GO]- Kadib markii caawa fiidkii xabsiga loo taxaabey 18 kamid shaqaalaha Puntland TV kuwaasoo isugu jirey tafatirayaal, wariye-yaal iyo farsamo yaqaano ayaa waxaa wararka GO soo gaarayaa sheegayaan iney dib u heleen xorayadoodii.

Sii deynta shaqaalaha ayaa timid ka dib dadaal dheer oo ay galeen Ururka Suxufiyiinta Puntland (MAP), Xildhibaano ka tirsan Baaralmaanka Puntland iyo duqa degmada Garoowe, waxaana wadahadal arrintan la xiriraa ka furmi doonaa xarunta madaxtooyada maalinta berri ah 29 Sept,2014.

Xariga 18 ka mid ah wariyeyaasha PLTV oo ahaa mid ku yimid amar kasoo baxay markii hore Madaxtooyada iyadoo sii deyntaan waji gabax ku noqtay Dowlada iyo maamulkii dhowaan loo magacaabay warbaahinta dowladda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in jirdil lagu sameeyey qaar ka tirsan shaqaalaha TV-ga inta aan loo taxaabin xabsiga kahor iyadoo qaar kamid ah saraakiisha dowladu ay ku cabsi galinayeen wariyeyaasha inay si dhaqso ah howsha dib ugu bilaabaan.

Puntland TV ayaa sababta dhidibada loogu taagey aheyd inuu u adeego danaha shacabka islamarkaana ku hadlo afka dowlada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM