Shaqaalaha Puntland TV oo dib u heley xorayadoodii

Image

Axad, September 28,2014 [GO]- Kadib markii caawa fiidkii xabsiga loo taxaabey 18 kamid shaqaalaha Puntland TV kuwaasoo isugu jirey tafatirayaal, wariye-yaal iyo farsamo yaqaano ayaa waxaa wararka GO soo gaarayaa sheegayaan iney dib u heleen xorayadoodii.

Sii deynta shaqaalaha ayaa timid ka dib dadaal dheer oo ay galeen Ururka Suxufiyiinta Puntland (MAP), Xildhibaano ka tirsan Baaralmaanka Puntland iyo duqa degmada Garoowe, waxaana wadahadal arrintan la xiriraa ka furmi doonaa xarunta madaxtooyada maalinta berri ah 29 Sept,2014.

Xariga 18 ka mid ah wariyeyaasha PLTV oo ahaa mid ku yimid amar kasoo baxay markii hore Madaxtooyada iyadoo sii deyntaan waji gabax ku noqtay Dowlada iyo maamulkii dhowaan loo magacaabay warbaahinta dowladda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in jirdil lagu sameeyey qaar ka tirsan shaqaalaha TV-ga inta aan loo taxaabin xabsiga kahor iyadoo qaar kamid ah saraakiisha dowladu ay ku cabsi galinayeen wariyeyaasha inay si dhaqso ah howsha dib ugu bilaabaan.

Puntland TV ayaa sababta dhidibada loogu taagey aheyd inuu u adeego danaha shacabka islamarkaana ku hadlo afka dowlada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM