Shaqaale ka tirsan wasaaradda maaliyadda Puntland oo tababar loo xiray [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

28 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe caasumadda Puntland lagu soo gaba gabeeyay tababar todobaad u socda saraakiil ka socotay wasaaradda maaliyadda Puntland.

Aqoon isweydaarsigan oo ay bixinayeen khubaro ka socota wasaaradda maaliyadda Somalia, ayaa ku aadanayd is dhaafsiga aqoonta laga helay Banka adduunka oo looga faa'iidaynayay xubnaha ka socday wasaaradda maaliyadda Puntland.

Xiritaanka tababarkan waxaa ka soo qayb galay ku-xigeenka Madaxweynaha Puntland, wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo marti sharaf kale, waxaana intii uu socday diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan kor u qaadida mashruuca bixinta mushahaaraadka iyo dib u dhiska dalka.

Barnaamijkan waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno ka socda wasaaradaha waxbarashada iyo caafimaadka Puntland oo la tilmaamay in hawshani khusayso.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Puntland Cabdullaahi Sheekh Axmed, ayaa xusay in mashruucan Somalidu ka faa'iidaysato, maadaama hormar u horseedayo.

Ku-xigeenka madaxweynaha Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay ka qayb galka shirkan, waxaana uu xusay inuu had iyo jeer qolyaha ajnabiga ka codsato waxyaabaha shacabka ku hormarinayaan inay ka dhigaan kuwa dani ugu jirto bulshada.

Tababarkan ayaa imaanay xilli Banka adduunku Somalia ka wado hormaro kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM