Shaqo joojin lagu sameeyay hogaanka Ciidanka Asluubta Puntland

Image
Labada Taliye ayaa lagu eedeeyey maamul-xumo, sidda ay sheegayaan warbixinada la helayo.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqo-joojin ku sameeyey Taliyaha ciidanka Asluubta General Bile Faarax iyo Taliye ku-xigeenka Aslaabta ee koowaad S/G Cabdirisaaq Gantaal.

Shaqo ka joojinta labada taliye ayaa imaanaysa kadib markii Madaxweynaha Puntland kulamo is-daba joog ah la lahaa Saraakiisha ciidamada amniga iyo kuwa rayidka ah maalmihii lasoo dhaafay.

Talaabadan ayaa kusoo beegantay xilli madaxweynuhu uu shir gaar ah oo albaabadda u xiran yihiin uu Madaxtooyada kula yeeshey saraakiisha Asluubta. Labada Taliye ayaa lagu eedeeyey maamul-xumo. 

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MADAXTOOYADA EE KULANKAASI

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta. 

Kulanku intuu socday Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Gen Yaasiin Cumar Dheere Taliyaha ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka ee maanta Kulanka ka qeybgalay, waxayna la wadaageen howlgalada amni iyo qorsheyaasha ay ku horumarinayaan difaaca Puntland.

Madaxweynaha ayaa Ciidanka Daraawiishta Puntland ku boggaadiyay sida geesinimada leh ee ay marwalbo heegan ugu yihiin difaaca Puntland, oo ay uga difaacayaan argagixisada iyo cidkasta oo amni daro ka shaqeynaysa, wuxuuna faray in ay sii laba jibaaraan gudashada waajibaadkooda.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM