Sariflayaasha oo ka hadley lacag lagu daabacey Puntland [Dhagayso]

Image

2 September, 2015(GO)- Lacag Shilin Somali ah oo dhowaan lagu daabacey magaalada Bosaso taasoo madaxweynaha Gaas amar ku baxiyey in la lagu baxiyo mushahaarka ciidamada iyo shaqalaha dowladda ayaa saaka waxaa lagu arkey suuqayada magaalada caasimada ah ee Puntland.

Ganacsatada Garowe oo siyaabo kala duwan u arka lacagtan Shilin Somaliga ee lagu daabacey warshad dhextaala xarunta bangiga dhexe ee magaalada Bosaso ayaa cabsi ka muujiyey sicir barar ku yimaada dhaqaalaha iyi in lacago kale ee Faalso ah soo galaan suuqyada Puntland.

Sariflayaasha ayaa sidoo kale welwel ka muujiyay lacagtaasi waxayna sheegeen inay keeni karto kor u kaca qiimaha lagu sarifo lacagaha qalaad gar ahaan dollarka oo ay tilmaameen inuu isbadal ku imaan karo waqtiyada soo socda.

Qaar ka mid ah sariflayaasha oo u waramayay Radio Garowe ayaa ugu baaqay maamulka Puntland inay xadidaan lacagahaan ay daabacday oo aan looga faa'iidaysan siyaabo khaldan, waxayna ka cabsi qabaan lacag laga daabacay gobolada dhexe ee Somalia soo galaan suuqa.

Dhinaca kale qaar ka tirsan sariflayaasha ayaa rumeysan lacagtaan soo kordhineyso dhaqaalaha oo kordha iyo dadkii mushahar la'aantu haysay iney fakhriga kaga baxayaan.

Xukuumada madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaan weli ka hadlin daabacaada lacagtaan halka sida warsidaha Garowe online rumeysan yahay aysan sdioo kale horkeenin Barlamanka Puntland kalfadhigiisa ugu dambeeyey.

Dowladdi madaxweyne Maxamud Muse Xirsi "Cadde" ayaa daabcaday lacag lamid ah tan marki talada Puntland haysay taasoo sababtey  kor u kac ku yimaada maciishada iyo sarifka dollarka.

Dabaacada lacagtaan ayaa waxaa qayb ka ah ganacsato raadineysa in kharashkii ka galey daabacada lacagtaaan halka dhinaca kale ka yihiin faa'ido doon.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM