Sharmaar'ke ''Waa lama taabtaan xaduudaha iyo jiritaanka Puntland''

Image

July 17, 2015 (GO)- Ra'iisul Wasaaraha DF Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa sheegay inay lama taabtaan tahay xaduudaha iyo jiritaanka Puntland, hadalkan ayuu ka sheegay munaasibadii salaada ciida ee magalada Garowe.

”Dal iyo qaran ayaa dhisaynaa, dal iyo qarankaasi la dhisaayana ma ahan in qolo ay dhibaato kasoo gaarto, waxaan rabaa inaan idin cadeeyo Puntland xudeedaheeda iyo jiritaankeeda waa lama taabtaan, waana jiraysaa insha allaah, iyadaana ahayd runtii hooyaddii Federaalka Soomaaliya, waxaan lee yahay Soomaali waxaa loo baahan yahay inay is-cafiso”

Sharmarke ayaa sidoo kale shacabka Puntland ka codsaday inay adkaystaan ammaankooda, lana shaqeeyaan mamulkooda si horumarka hada jiraa usii xoogaysto.

Shacabka Islaamka gaar ahan kuwa Soomaalida ayuu u diray farriin hambalyo ah, wuxuan sidoo kale muujiyay inuu ku faraxsan yahay inuu ku ciido Garowe oo ay ku sugan yihiin madaxda Puntland.

RW iyo wafdiga la socda ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magalada Qardho, wuxuna lasoo kulmi doono Boqor Burhaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM