Shilin Somaliga lagu daabacey Bosaso oo mushahar lagu bixiyey

Image
Image

25 August, 2015 (GO)- Magaaada Bosaso ayaa lacag Shilin Somali ah oo ay daabceen ganacsato heshiis la gashey madaxweyne Gaas ayaa maalintii shaley iyo maanta lagu baxshey mushaharaadka ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah ee Puntland.

Lacagtaan oo uu sawiro kasoo qaadey wariyaha GO ayaa la keenly suuqa lacagta magaalada Bosaso.

Dowlada Puntland ayaa maalmahaan ka digeysay lacago kale oo Shilin Somali Faalso ah ee soo galey suuqyada magaalooyinka Galkacayo, Bosaso iyo Garowe in shacabka iska ilaaliyaan oo aysan isticmaalin.

Daabacada lacagtaan ayaa xanuunka hore ka fujineysa shaqaalaha dowlada Puntland oo tobanaan bilood qaadan mushaharaad balse xeeldheerayaasha dhaqaalaha ayaa sheegaya in sicir barar abuuri doonto iyadoo suuqyada soo gali doonaan lacago kale ee Faalso ah.

Xogogaal magaalada Nairobi ku sugan ayaa GO u sheegey in talaabada dowlada Puntland qaadey keeni karto in Bangiga aduunka joojiyo tageerada dhaqaale uu qorsheynayey inuu siiyo Puntland madaama siyaasad lagu soo saarayo lacago sharci daro ah xukuumada madaxweyne Cabdiweli ku talaabsatey. 

Sarifka suuqa lacagta dollarka magaalooyinka Puntland ayaa marayey maalintii shaley 2170,0000 Sh.So ah in lagu sarifo 100USD halka uu saaka lagu kala qaadanyey 2200,000 Sh.So boqolkii dollar.

Warsidaha Garowe Online ayaa joogto idinla socodsiin doona dhaqdhaqaaqa sarifka lacagta magaaoyinka Puntland maalmaha soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM