Shir dib loogu eegayo mashruuca JPLG oo Garowe ka furmay

Image

05 September, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe ka furmay shir socon doona laba bari oo dib loogu eegayo barnaamijka hormarinta degmooyinka Puntland ee JPLG oo ka socda degmooyinka qaybtood.

Shirka waxaa ka soo qayb galay madaxweyne ku-xigeenka Puntland, xubno ka socday Hay'adda dowladda, deeq bixiyaasha mashruuca qaybtooda, Gudoomiyaasha degmooyinka barnaamijkani ka socda iyo Gudoomiyaha gobolada Puntland qaarkood.

Mashruuca JPLG ayaa la cadeeyay inuusan si fiican sannadkan uga socon degmooyinka loogu tala galay sababo ay ka mid tahay ammaan darro la sheegay inay ka jirto Puntland iyo degmooyinka qaybtood oo madaxweyne Gaas kala diray golayaashii deegaanka.

Madasha kulanku ka dhacay kuma sugnayn inta badan Hay'adaha barnaamijkan taageera, waxaan madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay oo khudbad ka jeediyay furitaankiisa sheegay inay Hay'adaha Qarmada Midoobay iska dhaadhiciyeen warar qaldan oo ku saabsan amniga Puntland.

Waxaa uu codsaday Camay in barnaamijkan si wanaagsan loo wado madaama waqti kooban ka harsanyahay, isla markaana la xoojiyo wadashaqaynta xukuumadda iyo maamuladda degmooyinka soona gudbiyaan hadii uu jiro gaabis mashaariicda ku saabsan si loola xisaabtamo cidda fulinaysa.

JPLG ayaa waxaa degmooyinka uu ka socdo ka faa'iideen hormarro kala duwan oo ay ka mid tahay dhismayaasha waddooyin, waxaana sannadkan ku soo biiray degmada Galdogob oo aan horay ugu jirin. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM