Shir dib loogu eegayo xeerka Kufsiga oo Garowe ka furmay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image

06 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe ka furmay shir hal maalin soconaya oo dib loogu eegayo xeerka lagu ciqaabayo shakhsiyaadka ku kaca Kufsiga iyo galmada sharci darrada ah.

Xeerka ayaa markii ugu horaysay lagu turjumay Af-Somali, waxaana markii hore ku qornaa luuqadda Ingiriiska.

Wasaaradda Cadaaladda Puntland ayaa shirka soo qaban qaabisay iyadoo taageero ka helaysa hay'adda UNFPA, waxaana kala soo qayb galay xubno ka socda wasaradaha Puntland iyo bulshada rayidka ah.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cadaaladda Puntland Maxamed Cali Faarax oo sharaxay xeerka ayaa xusay turxaan bixin ka dib u gudbin doonaan Xildhibaanada Puntland si loo ansixiyo.

Xeerka ayaa laga soo min guuriyay sharci calami ah oo la sameeyay 1962 kuna aaddan ciqaabta kufsiga iyo galmada sharci darrada ah ee lagula kacayo haweenka, waxaana hadii Barlamanka Puntland Ansixiyaan noqonaysa markii ugu horraysay oo Puntland yeelato xeer lagu ciqaabo ciddi ku kacda Kufsi iyo Galmo sharci darro ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM