Shir dib loogu eegayo xeerka Kufsiga oo Garowe ka furmay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image

06 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe ka furmay shir hal maalin soconaya oo dib loogu eegayo xeerka lagu ciqaabayo shakhsiyaadka ku kaca Kufsiga iyo galmada sharci darrada ah.

Xeerka ayaa markii ugu horaysay lagu turjumay Af-Somali, waxaana markii hore ku qornaa luuqadda Ingiriiska.

Wasaaradda Cadaaladda Puntland ayaa shirka soo qaban qaabisay iyadoo taageero ka helaysa hay'adda UNFPA, waxaana kala soo qayb galay xubno ka socda wasaradaha Puntland iyo bulshada rayidka ah.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cadaaladda Puntland Maxamed Cali Faarax oo sharaxay xeerka ayaa xusay turxaan bixin ka dib u gudbin doonaan Xildhibaanada Puntland si loo ansixiyo.

Xeerka ayaa laga soo min guuriyay sharci calami ah oo la sameeyay 1962 kuna aaddan ciqaabta kufsiga iyo galmada sharci darrada ah ee lagula kacayo haweenka, waxaana hadii Barlamanka Puntland Ansixiyaan noqonaysa markii ugu horraysay oo Puntland yeelato xeer lagu ciqaabo ciddi ku kacda Kufsi iyo Galmo sharci darro ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM