Shir ku saabsan Hiigsiga 2016 oo Garowe ka furmay [Dhagayso]

Image

16 November, 2015(GO)-Waxaa manta magalada Garowe ka furmay shir ku saabsan doorashada 2016, kaasi oo ka qayb galeen Ergooyin ka yimi gobolka Nugal oo matalaya bulshada, kuwaasi oo laga uruurin doono aragtidooda ku aadan qaabka doorashadu noqon doonto.

Furitaanka kulankan oo socon doono labo barri, waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Puntland, Xubno ka socda golaha wasiirrada, Xildhibaano, Odoyaal dhaqameed, Culimaa’udiin iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana shirku ka furmay xarunta Barlamanka Puntland.

Wasiirka wasaaradda Deeaanka Puntland  Dr: Cali Cabdullaahi Warsame, ayaan sheegey dowladda dhexe ee Somalia inay ka gaabisey arrimaha laxariira doorshada 2016, sidaa owgeed lagama maarmaan noqotay in umadda Somaliyeed oo kaashaneysa Beesha caalamka laga wada shaqeeyo qaabkii doorasho cadaalad ah uga dhici lahayd dalka.

Siraad Yusuf Ismaciil oo ku hadashay afka aqoonyahannada Puntland, ayaa shacabka ka codsatey iney ka baxaan habka qabiiliga oo u gudbaan doorasho nidaam horseedi kara doorasho xora oo cadaalad ah.

Islaam Ciise Islaam Maxamed, oo ka hadley arimo  badan oo khuseeya Somalia, ayaa sheegay in madaxda Somaliyeed looga fadhiyo sidii shacabka looga saari lahaa marxaladda haatan dalku ku jiro.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo shirka furay ayaa soo dhaweeyey shirka wada tashiga ee ka furmay maanta magaalooyinka kamid Soomaaliya waxaa uuna tilmaamay in doorashada qaabkay udhacayso ay go’aankeeda leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan kuwa la mid ah waxay ka furmeen qaybo ka mid ah Puntland iyo Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM