Shir looga hadlayo Amniga Soomaaliya oo Garoowe ka furmay
GAROOWE, Puntland- Waxaa maanta magaalada Garoowe caasimadda Puntland ka furmay shir looga hadlay amniga Soomaaliya, kaasoo ay ka soo qayb galeen xubno matalayay dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo tayayn lahaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo qaabkii DFS iyo maamul goboleedyada isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
“Shirkaan muhiimadiisu waxa weeye inaan helno ciidan Booliis ah oo Soomaaliyeed oo ay u dhammaystiranyihiin dhammaan agabkii ay u baahnaayeen, “ sidaas waxaa yir wasiir ku-xigeenka Amniga Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse.
Cabdinaasir ayaa sidoo kale tilmaamay in shirkan qayb ka yahay shirar horay u dhacay iyo qorshayaal cusub oo lagu raadinayo in la helo ciidamo amnig dalka qayb ka qaadan kara.
Wasiirka oo sii hadlaya, wuxuu tilmaamay inuu jiro mashruuca ay taageerayaan Germalka, Ingiriiska iyo hay’ado caalami ah oo lagu tayaynayo ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in talada ay miiska u saareen maamul goboleedyada si looga niqaasho ka faa’iidaysiga mashruucaas.
Ku-xigeenka wasiirka ayaa sidoo kale xusay in wasaaradda Amniga wixii agab ah ee soo gaara si siman loogu qaybin doono maamul goboleedyada isagoo xusay inay raadinayaan sidii amniga gacanta loogu dhigi lahaa. Wuxuu carrabka ku dhuftay inay Dayactir ku samayn doonaan xeryaha ciidamada Booliiska ee maamul goboleedyada kuwa cusubna dhisi doonaan.
Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey, ayaa sheega inay Amniga Soomaaliya uu ku hagaagi karo iyadoo awood la siiyo maamullada, wuxuuna ka codsaday dowladda Federaalka in deeqaha soo gaara la gaarsiiyo dowladaha qaybta ka ah xukuumadda dhexe.
Camey ayaa xusay in hadii aan la taageerin dowlad goboleedyada ay adkaan doonto sidii looga adkaan lahaa argagixisada.
Isagoo sii hadlaya, wuxuu sheegay in ciidamad tiro badan oo Ajnabi ku jiro ay joogaan Soomaaliya islamarkaana ay ka adkaan la’yihiin koox yar, wuxuuna sababta ku sheegay inaysan wada-shaqayn ka jirin maamul goboleedyada iyo xukuumadda dhexe.
Shirkan oo hal maalin ku eg ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed islamarkaana lagu faah faahiyo qaabka ay u wada-shaqaynayaan laamaha amniga dalka.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiint amniga ee heer dowlad dhexe iyo maamul goboleed, waxaana lagu soo beegay xilli Imaaraadku uu joojiyay wada-shaqayntii dhinaca Milatariga ee dowladda Federaalka.
GAROWE ONLINE