Shir looga hadlayo sharciga Biyaha Puntland oo Garowe lagu xiray

Image

13 Octobar, 2015(GO)-Waxaa magalada Garowe lagu soo gaba-gabeeyay wajiga labaad shir looga hadlayay sharciga Biyaha Puntland oo soo qaban qaabisay hay'adda Puntland u qaabilsan Biyaha iyo Tamar ee PSAWEYN.

Kulanka oo saddex bari socday, waxaa looga dooday sharciga biyaha Puntland oo dood dheer ka sameeyeen shakhsiyaad ka socday shirkadaha Biyaha, Aqoonyahanno, Sharciyaqaano, iyo maamulka hay'adda.

Dib u eegista lagu samaynayay sharciga waxaa taageerayay hay'adda NCA Puntland, waxaa xigi doonaa kulamo kale oo looga hadlayo sidii isla xeerkan oo dhawaan loo gudbin doono Barlamanka Puntland.

Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee hay'adda PSAWEYN Xirsi Xasan Yusuf, ayaa sheegay in sharcigu noqon doono mid u turaya danyarta Puntland mudana ku hawlanaayeen sidii sharcigan loo hirgalin lahaa.

Kulamo dambe oo kan daba socda ayaa Puntland lagu qaban doonaa, waxaana la filayaa markuu dhamaado in loo gudbiyo golaha Barlamanka Puntland, hadii ay ansixiyaanna waxay noqonaysaa markii ugu horaysay oo Puntland yeelato sharciga Biyaha Puntland.   

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM