Shir ugu socdey Isimada Garowe oo lagu kala kacay

Image

GAROWE-, Puntland- Shir ugu socdey magalaada Garowe isimo ergo ahaan uga yimid magalaada Qardho Iyo odey dhaqameed ku sugnaa magaalo madaxda Puntland ayaa guul daro kusoo dhamaadey.

Isimadaan oo uu hogaminayey Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa magalaada Qardho uga soo kicitimey in isimo ku sugan magaalo madaxda Puntland ku qanciyaan iney ka qayb galaan shir ka bilaamaya magaalo madaxda gobolka Karkaar.

Khilaafka isimida Puntland oo horey u jirey ayaa soo shaacbaxay kadib markii Boqor Burhaan Boqor Muse  iclaamiyey in magalaada Qardho lagu qabto shir isugu imaanyaan Issimada Somaliya. 

Isimada Garowe ku shirsan ayaa warsaxafdeed ay soo saareen ku sheegey in shirka Qardho aan loo dhameyn islamarkaana uu jiro khilaaf u dhexeeya odey dhaqameedka Puntland kasoo u baahan in la xaliyo. 

Madaxweynaha Puntland oo maanta dib ugu  soo noqdey Garowe ayaa lagu marti qaadey inuu furo shirka ka furmaya Qardho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM