Shirka Galkacyo iyo waxyaabaha looga hadlay

Image

28 August, 2015 (GO)-Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa weli ka socda shirka wadatashiga Puntland oo lagu wado in la soo xirey barrito(Sabti).

Shirka intii uu socdey waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan marxalada haatan Puntland mareyso, tabashooyinka jira, sixidda wixii khaldan, ammaanka iyo gobolada ka maqan Puntland.

Ergooyin kala duwan oo ka hadlay shirkan intuu socdey waxay sheegeen in Puntland gaabis ka tahay dhinacyada hormarka iyo siyaasadda, halka qeyb kale sheegeen inay jiraan waxyaabo lagu amaani karo maamuladdi soo qabtey talada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa loo soo jeediyay inuu dhaqso u hirgaliyo nidaamka asxaabta badan oo ballan qaaday waqtigii uu tartamayay jagada Madaxweynaha Puntland, ergada shirkaasina sheegeen inay tahay habka kaliya ee looga gudbi karo khilaafaadka soo noq-noqda.

Sabtida bari ah ayaa lagu wadaa in la soo xiro shirkaasi oo 25 August ka furmay magaalada Galkacyo.

Garowe Online ayaa shacabka Puntland u ballan qaadeysa u soo gudbinta shirkaasi iyo waxyaabaha ka soo baxa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM