Shirka laxisaabtanka Hay'adaha dowladda Puntland oo soo xirmay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image

04 January, 2016(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe lagu soo gaba gabeeyay shir qaatay saddex bari oo lagula xisaabtamayay golaha xukuumadda iyo hay'adaha dowliga ah ee Puntland islamarkaana lagu soo bandhigayay qorshayaasha 2016.

Shirka ayaa qaybtiisa koowaad ahayd isla xisaabtan, halkan wajiga labaa lagu soo bandhigayay qorshayaa 2016 ee hay'adaha dowliga fulin doonaan.

Kulanka maanta waxaa soo xiray Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, wuxuuna ka jeediyay khudbad uu uga hadlay ujeeda madashan iyo waxyaabaha kadambeeya in lala xisaabtamo lana soo bandhigo shaqada loo hayo shacabka isagoo sheegay inay doonayaan ogaysiinta bulshada howsha dalka loo hayo oo run ah iyadoo laga duulayo sheekooyinka waxa uu ugu yeeray Af-miishaarro.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay maxsuulkii kasoo baxay shirka la-xisaabtanka hay’adaha dawladda in aanu ahay mid u baahan in la faaf-faahiyo, balse shacabka reer Puntland marag ka ahaayeen wixii socday.

Gaas ayaa sheegay inaysan ismahadin doonin balse dadaalka sii badin doonaan isagoo xusay inay ka dhabayn doonaan dhaartii loo maray shacabka Puntland isagoo tilmaamay hay'adaha gaabiska muujiyay in lagula xisaabtami doono iyadoo laga garaabayo duruufaha ka baxsan awoodooda. 

Wuxuu ku booriyey hay'adaha uu la xisaabtamay inay uga fadhiyaan bandhigooda bisha December ee sannadkan 2016 waxa ay shaaciyeen inay qabanayaan isagoo ku booriyay inay labo jibaaraan howlaha loo hayo bulshada reer Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa gunaanadkii shirka shahaadooyin guddoonsiiyay shakhsiyaad la sheegay inay la yimaadeen dhiiraan iyo shaqo wanaag.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM