Shirka Todobaadka caalamiga ah ganacsiga oo Garowe ka furmay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

16 November, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe ka furmay kulan ku saabsan Todobaadka hal-abuurka caalamiga ah ee ganacsiga oo looga hadlay sidii loo dhiiri galin lahaa in bulshadu samayso fikirro cusub oo ku aadan ganacsiga.

Furitaanka Asbuucan,waxaa ka qayb galay madaxweynaha Puntland, gudoomiyaha Barlamanka, xubno ka socda golaha wasiirrada, Safaaradda Ethopia ee Puntland iyo hay'adaha caalamiga, waxaa sidoo kale goobta ku sugnaa mas'uuliyiinta shirkadaha ganacsi ee kafuran magalada Garowe.

Barnaamijkan hirgalintiisa waxaa iska kaashaday wasaaradda ganacsiga Puntland hay'adda shaqaalaha adduunka(ILO) , rugta ganacsiga Puntland iyo machadka SIDRA, waxaana agaasimaha machadkaasi, Guuleed Saalax Barre dowladda ka codsaday inay samayso sanduuq ganacsi, ama laan ganacsiga qaabilsan oo Bangiga dhexe dowladdu ka furtay si loo yareeyo shaqo la'aanta lana dhiiri galiyo ganacsiga.

Ganacsatada ka qayb gashay kulankan, ayaa sheegay in arrintan oo kale horseed ka noqonayso hormarinta dhaqaalaha iyo yareynta shaqo la'aanta.

Wasiirka ganacsiga Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle "Indhaguran", oo ka hadlay sidii loo dardargalin lahaa hal abuurka Ganacsi, ayaa hay'adaha taageerada bixiya ka codsaday inaysan u samayn fikir, balse taageeraan hal-abuurka reer Puntland la yimaadaan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo kulankaasi furay, ayaa tilmaamay inaysan ganacsiga abuurin dowladdu, laakiin bulshada u sameyso degaan ganacsi lagu samayn karo.

Kulankan ayaa socon doona saddex bari, waxayna noqonaysaa markii ugu horraysay shir caynkaan ah lagu qabto Somalia, balse waxaa sannad walba Todobaadkan caalamiga ah laga xusaa dunida oo dhan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM