Shirka Wadatashiga Puntland: Maxaa ka dhigay madal isha lagu wada hayo?

Image

GAROWE, Puntland – Kadib shir maalmo socday oo Golaha Wasiirada Puntland ku yeesheen Boosaaso, madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa 7-dii Febraayo 2020 wuxuu ku dhawaaqay Shirka Wadatashiga Puntland.

Kadib shaacinta, 18-kii Febraayo 2020, Deni ayaa wareegto ku magacaabay guddiga qabanqaabada shirweynaha oo ka kooban 11 xubnood oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda.

Shirweynaha oo la filayo in ay kasoo qeyb-galaan xubno kala duwan ayaa qorshuhu yahay in uu 15-ka Maaj ee sanadkan 2020 uu ka furmo magaalada caasimadda u ah Puntland ee Garowe.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyenta dowladda Puntland, ayaa hogaaminaya guddigaas.

Isagoo todobaadkii hore ka hadlayey Doodda PUNSAA, Dhabancad ayaa rajeeyay in shirka uu ku qabsoomo waqtigii loo muddeeyay.

Madashaas oo isha lagu wada hayo ayaa lagu lafaguri doonaa doorka Puntland ee dowladnimada Soomaaliya ee mustaqbalka soo aadan.

Sidda uu ka dhawaajiyey wasiir Dhabancad, shirkaas waxaa go'aan looga gaari doonaa siyaasada Puntland ee ku wajahan dowladda federaalka, wallow uu ka gaabsadey in uu ka horudhaco natiijadda.

Dowlada Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in ay dagaal kula jirto maamulada kasoo horjeeda, taasoo shaki gelisay arrimo masiiri ah sidda doorashooyinka.

Xili ka hadlayey munaasabada Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, 8-da March, 2020, Deni ayaa dadweynaha ku booriyey in ay taageeraan shirkaas, oo uu rajeeyay in ay kasoo baxaan maxsuul wanaagsan.

Inkastoo aan la carababaabin maalmaha uu soconayo, gabagabada shirka waxaa lagu waddaa in laga soo saaro war-murtiyeed ay ku cad yihiin dhamaan qodobadii lagu heshiiyey mudadii uu socday.

Puntland, oo hormuud u ah dowladnimada iyo federaalka dalka Soomaaliyeed, ayaa rajeyneysa in ay ka gudubto nidaamka qabiilka, waxayna hiigsaneysaa hanaanka xisbiyadda si lamid ah doorashooyin qof iyo cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM