Shirkii madaxda Somalida ee Kismayo oo dib loo dhigey [ Daawo]

Image
Image
Image
Image

KISMAYO Sept 13, 2015 (GO)- Shir saaka uga bilowdey madaxda maamulada Somalida, dowlada Federaalka iyo beesha caalamka ayaa kusoo dhamaadey is-afgaran waa kadib markii qaar ka tirsan mas'uuliyiintii ka qayb gashey sheegeen in magaalada Kismayo u yimadeen caleema saarka madaxweynaha Jubbaland.

Wararka shirkaan ku xeeran ayaa warsidaha Garowe Online u sheegey in madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli  Maxamad Cali Gaas codsadeen in kulankaan dib loo dhigo madaamo arrimo kale u yimadeen Kismayo.

Mudane Cabdiweli ayaa wararku sheegayaan inuu kulanka ka sheegey in kualnkaan Kismayo laga bilaabey aysan ka qayb gali karin Puntland madaama loo baahan yahay wadatshi la soo sameeyaan degaanada ka yimadeen.

Codsigaan ayaa wararku sheegayaan in madaxweynaha Puntland ku raaceen madaxweynaha Jubbaland Axmad Madoobe iyo Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashid.

Beesha caalamka, madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh ayaa dabada ka riixayey in kulankaan qabsoomo iyadoo laga faa'ideysanyo fursada caleema-saarka si loo dhameeyo khilaafaadka  u dhexeeya maamulada Puntland, Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Kulankaan ayaa beesha caalamka qorsheyneysay dhinac kale in lagaga hadlo qaabka doorshooyinka la filayo in Somalia ka dhacaan 2016 loo qaban karo iyadoo waqtiga harey yahay mid kooban.

Wasiir dowlaha madaxtooyada Jubbaland oo saxaafada la hadley shirkaan lagu kala kacey kadib ayaa sheegey in la qorsheynayey in kulan ka dhaco Kismayo iyadoo laga faa'ideysanyo fursado jirta balse arrimo uusan faahfaahin ka bixin dib u dhac ku sameyeen qabsoomidiisa taasoo sababtey in dib loo dhigo.

Wasiirka ayaa sheegey in loo balamey in shirkaas bisha Sept 20,2015 la qabto iyadoo waqti la siinayo madaxda Somalida iney ka fakaraan arrimaha laga hadlayo isagoo xusey in kulankaas suurtagal tahay inuu ka dhaco Muqdisho.

Mud. Cabdiqani oo saxaafdu waydiisey in kulanka Kismayo madaxweynaha Puntland iyo waftigiisu diideen iney ka qayb galaan  ayaa beeniyey oo sheegey in uu goob joog ahaa markii shirkaas dhacayey.

Madaxda dowlada Federaalka iyo beesha caalamka ayaa wararku sheegayaan iney ka ambabaxayaan magaalada Kismayo iyadoo warar hordhac sheegayaan in madaxweynaha dowlada Federaalka iyo wufuuda ka socotey beesha caalamka.

Halkan ka daawo warsaxafdeedka wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM