Shirkii u dhexeeyey DFS iyo maamulada Somalia oo furmey

Image

GAROWE 30 April,2015 (GO)- Waxaa xarunta magaalada Puntland ee Garowe saaka ka furmay shirkii u dhexeeyey dowlada dhexe ee Somalia iyo maamulada qaybta ka ah dowlada federaalka.

Kulankaan oo lagu qabanayo xarunta wasaarada caafimaadka ee ku taal magaalada Garowe ayaa waxaa ka qayb galaya madaxweynaaysha dowladaha Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha dowlada Somalia Xasan Shiikh.

Qodabada kulankaan looga hadlayo ayaa weli la shaacin balse wareysi afhayeenka madaxweynaha Somalia siiyey saxaafada ayuu ku sheegey in looga hadlayo qodabadii looga hadley kulankii lagu qabtey magaalada Muqdishu.

Dhinaca kale waxaa fashilmey inuu qabsoomo shir u dhexeeya dowlada federaalka iyo Puntland kadib markii guddiyada labada dhinac isku afgaran waayeen qodobada looga wadhadlayo.

Kulankaan ayaa la filayaa iney hareyso maamulka Puntland oo  codsan doona in madaxweynaha dowlada federaalka cadeeyo mowqifkiisa ku aadan dhismaha mamaulka gobolada dhexe ee Somalia.

GAROWEONLINE KALA SOCO WARARKA LA XIRIIRA KULANKAAN.

 

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM