Shirka Garowe oo la isku khilaafey gobolka Mudug [Dhageyso]

Image

GAROWE 30 April, 2015 ( GO)- Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar (Surcad) oo ka tirsan gollaha Baarlamaanka dowladda Puntland islamarkaana kamid ah guddiga wadaxaajoodka uga qayb galaya shirka wadashaiga dowlada Somalia iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka ayaa sheegey in la isku mari la'yahay qodobka maamul u sameynta gobolada dhexe.

Xildhibanka oo wareysi gaar ah siiyey Idaacada Radio Garowe ayaa sheegey in guddiga dowlada federaalka u matalaya shirweynaha wadatashiga  aysan rabin iney cadeeyaan maamulka gobolada dhexe halka uu ka dhismayo.

Surcad ayaa sheegey in madaxweynaha Somalia Xasan shiikh uu ilaa hadda ka warwareegayo in shacabka Puntland u cadeeyo in gobolka Mudug u qaybsan yahay Koonfur iyo Woqooyi islamarkaana la cadeeyo soohdimaha maamulkaas ka sameysmayo.

Warsidaha Garowe Online ayaa horey u shaaciyey in khilaaf ka dhexjiro guddiyada u kala matalaya dowlada Puntland iyo Federaalka shirkaan HALKAN KA AKHRI 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM