Shirkii wadatashiga Puntland iyo DF oo Garowe ka furmey

Image

April 11, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa daah furay Shirka wada xaajoodka Puntland iyo Dowladda Federaalka.

Shirkan oo looga arrinsan doono heshiisyadii horay u dhex maray Puntland iyo Dowladda Federaalka iyo higsiga 2016-ka, waxaa furitaankiisa ka soo qeyb galay madaxweyne ku xigeenka  Puntland, Gudoomiyaha Baarlamanka , Isimmo, waxgarad iyo sidoo kale xubnaha labada dhinac uga qeyb galaya Shirka wada xaajoodka.

Madaxweyne Gaas oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyey ayaa sheegay in Puntland u heellan tahay mar walba sidii loo heli lahaa dowlad Soomaaliyeed oo awood leh kuna dhisan nidaamka federaalka, isagoo xusey in Puntland walaac weyn ka qabto faragelin uu sheegay in lagu hayo dastuurka. Gaas ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in la helo ciidan qaran.

Ra'isal Wasaare Sharmaarke oo isna si kooban u hadlay ayaa sheegay in ujeedada uu Puntland u yimid tahay sidii uu wadatashi ula sameyn lahaa madaxda Putland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Furitaanka Shirka ka dib ayaa Madaxweynaha iyo raysal-wasaaruhuba si rasmi ah xariga uga jareen hotel casri oo laga hirgelinayo magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland, waxaana hotelkaasi dhisanaya ganacsato reer Puntland ah oo dalkooda u yimi sidii ay maalgashi caalami ah uga samaysan lahaayeen.

Madaxweyne Gaas iyo Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale jaamacadda PSU kaga qeyb galay xaflad ballaaran oo lagu soo bandhigayey bandhig buugeed iyo carwo dhaqameed ay soo bandhigayeen aqoonyahano reer Puntland ah oo dalka dibadiisa uga yimi sidii ay dadkooda iyo dalkooda ugu faa'iideyn lahaayen, ugana shaqeyn lahaayen soo noolaynta dhaqanka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM