Shirkii wada-tashiga PL oo dib loo dhigey mar kale [Dhageyso]

Image

May 27, 2015 (GO)- Shirkii wada-tashiga Puntland oo qorshuhu ahaa in uu magaalada Gaalkacayo ka furmo horraanta bisha soo socta ee June, ayaa mar saddexaad dib loo dhigay.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabad Shirka Maxamuud Xaaji Saalax oo goor dhow shir-jaraa'id ku qabtey Garowe, ayaa warkaas shaaciyey. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in shirku furmi doono marka laga baxo bisha Ramadaan.

Saalax oo la weydiiyey sababta keentay dib u dhaca ayaa sheegay in waqtiga Ramadaanku soo dhowaadey, sidaas darteedna laysla gartey in shirka laga dhigo bacdal Ramadaan maadaama dadku Muslimiin yihiin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Warar madax bannan ayaa sheegaya in sababta shirka dib loogu dhigey tahay kadib markii la waayey dhaqaalihii lagu socod siin lahaa iyo beelaha qaar oo qaaddacey ka qayb galka shirka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM