Shirweynaha isbeddelka Cimilada Puntland oo galay maalintii labaad

Image
Shirka ayaa maanta waxaa uu u badan-yahay dood cilmiyeedyo arrimahaas lagu xoojinayo.

GAROWE, Puntland - Waxaa maalintii 2aad si habsami leh uga socda caasimadda dawladda Puntland ee Garoowe shir weynaha 6aad ee deegaanka iyo isbeddelka Cimilada.

Shirkan ayaa ah mid muhiim u ah dalka iyo deegaanka, iyada oo ay ka qaybgelayaan goleyaasha dawladda, hay'adaha caalamiga, khuburo ku takhasustay arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

Sidoo kale, waxaa qayb ka ah NGO-yada kala duwan ee gudaha dalka ka jira, wasaaraddana kala shaqeeya arrimaha deegaanka.

Waaxyaha ugu miisaanka culus ee gorfaynta shirku ku aaddanayd waxaa ka mid ahaa joojinta xaalufinta dhirta, ugaadha iyo ka hortagga isbeddellada cimilo iyo la jaanqaadidda isbeddelka dabeecadeed ee bulshada.

Shirka ayaa maanta waxaa uu u badan-yahay dood cilmiyeedyo arrimahaas lagu xoojinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM