Shirweynaha ururka warbaahinta Puntland oo la mudeeyay

Image

GAROWE, Puntland – Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa shaaciyey in shirwaynaha 4aad ee ururka oo lagu dooran doono hogaanka saddexda sanno ee soo socota 2021 illaa 2024 uu Garowe ka qabsoomayo 22-23 February 2021.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay MAP, waxaa shirka kasoo muuqan doona ergo wadartoodu tahay 61 kuwaas oo ka kala imaan doona gobolada Puntland, iyadda oo lagu saleyn doono tirada xubnaha gobolka kasta ka diiwaan-gishan.

"Ergay kasta waa in uu haystaa kaarka aqoonsiga xubinimada MAP isla markaana xilligan ku howlan yahay kana howlgalaa warbaahinta," ayaa la raaciyey qoraalka.

Shirweynaha ayaa qorshuhu ahaa in uu qabsoomo December, 2020, balse waxaa loo baajiyey sababo ku aadan jadwalka oo ciriiri noqdey awadeed.

"Shirweynaha oo qorsheysanaa bishii December ee 2020 waxaa baajiyey jadwalka doorashadda Soomaaliya ayna ku beegneyd waqtigaas doorashadda Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka, [waxaana] ururka dib ugu dhigay bisha February, 2021," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay MAP.

War-saxaafadeedkan nuqul kamid ah uu arkay bogga Garowe Online ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Ugu dambeyn, waxaan ku boorineynaa dhamaan xubnaha ururka ee uu ka dhacsan yahay kaarka aqoonsiga in ay cusbooneysiistan".

Maxamed Daahir Caysane ayaa tan iyo 2017-kii wuxuu yahay gudoomiyaha MAP. Nasra Cabdirisaaq dhankeeda waa xoghayaha guud ee ururkan la aas-aasay bishii Febraayo sanadkii 2008-dii. Waajibaadkiisuna waa difaaca saxaafadda xorta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM