Shuluco: Madaxweyne Gaas ma rabo hurumarka Garowe [Dhageyso]

Image

JULY 24,2015 (GO)- Cabdi Xaaji Yusuf "Shuluco" oo kamid ah odayasha gobolka Nugaal ayaa sheegay farqi wayn uu ku dhex jiro Madaxwaynaha Puntland iyo shacabka Garowe isaga oo xusey in xallintiisa looga fadhiyo wasiirada iyo xildhibaanada gobolka Nugaal ka soo jeeda.

"Haddii dadka reer Nugaaleed wax tuhmeen inaad naga saartaan ayaa la idinka doonayaa ,waxaana arintaasi u xil saaran idinka iyo sagaalka xilidhibaan ee gobolka Nugaal kasoo jeeda." ayuu yiri Shuluco isaga oo maanta ka hadlaya kulan qado ah oo ay wasiirada xukuumada kaga jira gobolka Nugaal qabteen 

Cabdi Shuluco oo soo hadal qaaday dhismaha golaha deegaanka degmada Garowe ayaa sheegay inuu Madaxwayne Gaas soo magacaabay gudoomiye cusub oo KMG ah kaasoo waqtigiisu ahaa 45 cisho ah, iyadoo la dhaafay mudadaasi.  Shuluco ayaa xusey inay taagan yihiin mashaariicdii ka soconaysay Garowe kuwaasoo qaybtood lacagtooda loo hayo.

Wasiirka amniga Cabdi Xirsi iyo Caafimaadka Cabdinaasir Cuuke ayaa maanta qado u sameeyey qaar ka tirsan bulshada ku nool gobolka Nugaal kuwasoo ka dalbanayey iney la shaqeeyaan xukuumada uu madaxda ka yahay Cabdiweli Cali Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM