Siciid Deni oo markale loo doortay Madaxweynaha Puntland

Image

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta mar kale loo doortey inuu sii hayo talada, ka dib markii uu ku guulaystay doorashada, isaga oo wareegii 3-aad helay 45 Cod.

Madaxweyne Deni ayaa ku soo baxay wareegga 1-aad isaga oo helay 35 cod, halka uu wareega 2-aad helay cododka 40 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada.

Dowladda Federaalka iyo madaxda Maamul-Goboleedyada dalka ayaa u hambalyo u diray madaxweyne Deni iyaga oo ugu duceeyay in ilaahey u fududeeyo gudashada waajibaadkiisa shaqo.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa yiri: “Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta mar kale dib loogu doortay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland.”

Halka madaxweynayaasha Koonfur-Galbeed, Hirshabeele, Galmudug iyo Jubbaland ay soo saareen qoraalo ay ugu habmaliyeynayaan Madaxweynaha dib loo doortay.

Guushan ayaa Deni ka dhageysa Madaxweynihii ugu horreeyay ee dib loo doorta inta ay jirtay dowladda Puntland, iyadoo oo dib u doorashadiisa ay qeyb ka qaateen wadamo carbeed uu xiriir la lahaa sida ay warinayaan ilo ku dhow dhow Qasirga Madaxtooyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM