Siciid Dheere oo is-casilaya hadaan la bixin mushaharka ciidanka [Dhageyso]

Image

Sept 27, 2015 ( GO)- Taliyaha ciidamada Puntland Sareeye Guuto Siciid Maxamad Xirsi (Siciid Dheere) ayaa wareysi uu siiyey Rdaio Daljir sheegey in aan laga aamusnaan karin mushahar la'aanta ragaadisey ciidamada Darwiishta iyo Booliska Puntland.

Siciid Dheere oo markii ugu horeysay ka hadley mushahr la'aanta ciidamada Puntland ayaa ku tilmaamey iney tahay waxaan loo dulqaadin karin in madaxda dowlada tiraahdo in ciidamada xaqooda ma maqna balse uusan arinku sida kale yahay.

Taliye Siciid Dheere yaa sheegey inuu xilkaan uu iska casilayo hadaan si deg deg ah wax looga qaban mushahar la'aanta haysata ciidamada Puntland.

Hadlka taliyaha ayaa yimdi maalmo kadib markii madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas diidey ineysan jirin mushahar ka maqan ciidamada Puntland isaga oo shegeey in kuwa gadoodka sameeyey maalmihii laoso dhaafey dowlada la xisaab tami doonto. Halkan ka dhageyso

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM