Siciid Xasan Shire: Puntland uma baahna ciidamo ka tirsan AMISOM

Image

May 13, 2015 (GO)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa sheegay in Puntland u baahneyn ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM, maadama ay awood buuxda u leedahay sugidda amniga deegaanadeeda.

Mudane Shire ayaa warkan sheegay mar uu shalay ka hadlayey shir lagu gorfeynayey la-dagaalanka argagixisada oo lagu qabtey xarunta baarlamaanka ee Garowe.

Hay'adaha amniga ee Puntland ayuu sheegay in ay awood buuxda u leeyihiin ilaalinta nabad galyada iyo ka hor tegista wax kastoo nabad galyada khalkhal galin kara.

"Amisom iyo ciidan uma baahnin annagaa isku filan...hay'adaha amnigu waa ku filan yihiin amniga waana difaaci karaan, haddii wax khaldan yihiinna waa la saxayaa..." ayuu yiri.

May 9, 2015 ayey ahayd markii Ergeyga Qarmada Midoobey ee Soomaaliya Nicolas Kay, wareysi gaar ah oo uu siiyey Reuters ku sheegay in la qorsheynayo sidii ciidamo ka tirsan AMISOM loo geyn lahaa Puntland.

Puntland ayaa horay marar badan uga codsatey Qaramada Midoobey iyo Midowga Africa in laga taageero dagaalka ay kula jirto ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM