Sidee gobollada u kala heleen xubnaha guddiga joogtada ee Baarlamanka Puntland?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Xildhibaanada Gollaha Wakiilada Puntland ayaa maanta oo Isniin ah waxay xaruntooda magaalo madaxda Garowe ku yeesheen mid kamid ah fadhiyada Kal-gadhiga 1aad ee Aqalka.

Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo], Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland iyo labadiisa ku xigeen ayaa si wadajir ah u shir gudoominayey kulanka oo lagu doortay guddiga joogtada ah.

Ajendaha ayaa ahaa doorashada Gudiga joogtada ah, taasi oo ay ku tartameen musharaxiin dhowr ah, waxaana coddeynta oo ahayd mid gacan tag ah ka qayb qaatay 57 Xildhibaan oo fadhiga soo xaadiray.

Guddi ka kooban 3-xubin oo uu Gudoonka usaarey soo xulista xubnaha kamid noqonaya Guddiga joogtada ah iyadoo ku saleynaya awood qaybsiga gobolada ayaa daadaheynayay cod-bixinta.

Kursi kasta oo guddigan soo galay waxaa u tartamay labo Xildhibaan, iyadoo xubnaha Gobollada Bari iyo Nugaal markii lagu murmay, oo la isku tanaasuli waayay lagu kala saarey doorasho qarsoodi ah.

Gobolka Nugaal

Xildhibaan Cabdiqani Abshir Surato
Xildhibaan Fu’aad Abshir Axmed.

Gobolka Mudug

Xildhibaan Axmed Jaamac Caddulle
Xildhibaan Cawil Xasan daad.

Gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu:

Gudoomiye Ku xigeen Abuukaate Cabdicasiis Cismaan Cabdullaahi
Xildhibaan Muuse siciid Xasan
Xildhibaan Cabdicasiis siciid Maxamed
Xildhibaan Jaamac Yaasiin Jaamac

Gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda PL, Cabdixakiin Dhoobo Daareed

Xildhibaan Cali Axmed Saalax

Gobollada Sool iyo Cayn:

Gudoomiye Ku xigeen Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Warsame.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab
Xildhibaan Nimco Cabdi Caarshe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM