Sidee uga falceliyeen shacabka Puntland muddo kororsiga uu doonayo Deni?

Image

GAROWE, Soomaaliya - Dooda ku saabsan muddo kororsiga madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanayo ee Saciid Dani ayaa soo jiidatay dareenka Shacabka, waxaana ka dhashay hadal heyn ballaaran oo qabsatay baraha bulshada.

Dadka ka soo horjeeda muddo kordhinta ayaa ku dhisay dooddooda 4-tan qodob oo muhiimka ah:

1. Saamaynta ay ku leedahay Mabaadi'da Dimuqraadiga: Waxay soo jeedinayaan in muddo kordhinta ay burburinayso mabaadi'da dimoqraadiyadda.

Waxay aaminsanyihiin in wax ka bedelka muddada dastuuriga ah laga yaabo inay horseed u noqoto Madaxda mustaqbalka inay ku daydaan, taasoo caqabad ku ah mabaadi'da aasaasiga ah ee dimuqraadiyadda.

Mabda’a ah in la qabto doorasho, waqtigeedana lagu qabto, kadibna si nabad ah xilka lagu wareejiyo, waa tiirka ugu muhiimsan ee dawladnimada dimoqraadiga ah. Ka leexashada hab-dhaqankan waxa loo arki karaa tallaabo Puntland ka fogeyneysa Wadada saxda ah.

2. Isla xisaabtanka: Dadka dhaleeceeya muddo kordhinta ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda isla-xisaabtanku u leeyahay maamulka.

Welwelka jira ayaa ah in madaxda ku tashanaya muddo kordhinta ay ku yara dhiiradaan ka jawaabista baahiyaha iyo tabashada shacabka.

Marka cadaadiska lagu hayo qabashada doorashada uu hoos u dhaco, waxaa sidoo kale yaraanaaya hammiga ay madaxdu wax ugu qabanayaan arrimaha xasaasiga ah, taasoo keeni karta in dowladda iyo shacabka ay kala go’aan.

3. Rabshadaha suurtagalka ah: Marka la eego sooyaalka xasilooni-darrada siyaasadeed ee Puntland, isbedel kasta oo lagu sameeyo hab-dhaqanka siyaasadeed ee la dhisay wuxuu noqon karaa mid horseeda qalalaase.

Cabsida ayaa ah in kooxaha mucaaradka ah iyo muwaadiniinta ay ku dhaqaaqaan mudaaharaad ama rabshado si ay u ilaaliyaan mabaadi'da dimuqraadiga ah.

Xaaladahan oo kale waxay sii xumeyn karaan xiisadaha jira waxayna carqaladeynayaan xasilloonida Puntland.

4. Saamaynta Dhaqaale: Xasiloonida siyaasadeed waxa ay inta badan ku xiran tahay xasiloonida dhaqaale.

Go'aanka muddo kordhinta madaxweynaha wuxuu keeni karaa hubanti la'aan siyaasadeed iyo mid amni, taas oo ka celin karta ganacsatada caalamiga ah inay maalgashadaan kheyraadka Puntland.

Tallabadan ayaa horseedi karta daciifinta xaaladda dhaqaale iyo in uu hoos u dhac uu ku yimaado fursadaha shaqo, taas oo saameyn karta nolosha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM

Wasiirka Gargaarka Puntland oo su’aallo laga waydiiyay ka hortagga abaaraha

Marwo Ubax ayaa soo bandhigtay waxqabadka Wasaaradda, caqabadaha ay la kulmeen, iyo qorshooyinka lagu xoojinayo waxtarka adeegyada ay bulshada u qabato.

  • Puntland

    18-11-2024

  • 05:17AM