Siyaasiyiinta dalka oo ku soo qulqulaya Garowe xilli uu socdo diyaargarowga Caleema Saarka

Image
Maalina berri ah ayaa loo madlan yahay Caleema Saarka madaxweyne Deni.

Garowe, Soomaaliya - Waxaa magaalada Garoowe ku qulqulaya siyaasiyiin xilal ka soo qabtay dowladda Federaalka iyo Maamulada kala duwan ee dalka kuwaas oo ka qeyb gali doona Caleema Saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Siciid Cabdullahi Dani.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa hore u soo kallahay magaalada Garowe, isaga oo kullamo la qaatay hogaanka dhawaan la doortay ee Puntland.

Waxaa sidoo kale maanta yimid ka soo tagay magaalada Garowe Raysul Wasaarayaashii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble, Cabdiweli Cali Gaas, iyo madax kale.

Waxaa sidoo kale la filaya in uu dhawaan soo gaaro magaalada Garowe madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo horay u aqbalay Cusuumada ay u fidisay dowladda Puntland.

Maalina berri ah ayaa loo madlan yahay Caleema Saarka madaxweyne Deni oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada Puntland, xilli ay ka soo qeyb gali doonaan mas’uuliyiin ka kala socota gudaha dalka iyo daafaha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM