Somalia: Odawaa oo kashifay xog ka dahsooneyd shacabka Puntland

Image

Nov 18, 2015 (GO)- Wareysi wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federaalka siiyey barnaamijka Depraani Show ee ka baxa talefishinka Somali Chanel ayuu ku sheegey in maamulka madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas dadaaley in 600 qof ka qayb galiyo kulmadii shacabka kaga arinsanayeen shirkii Higsiga doorashada 2016.

Dowlada Federaalka oo dajisay jadwalka qaabka uu u dhacayo wadatshiga qaran ayaa maamulada Puntland, Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Banaadir u qoondeysay in 150 qof ku kulmaan magaalo madaxyadooda.

Qorshaha loo marayo Higsiga doorashada 2016 ayaa madaxweynaha Puntland kusoo ansaxiyey kulankii madaxda Somalida ku dhexmarey magaalada Muqdishu halka guddiga uga qayb galayey kulamadaan (Task Force) diideen iney aqbalaan in 150 qof faristaan magaalada madaxda Garowe oo kaliya.

Maamulka Puntland ayaa iclaamiyey in magaalooyinka Garowe, Bosaso, Galkacayo, Qardho, Tukaraq iyo Badhan fariisan doonaan dad gaaraya 600 qof kuwasoo la waydiin doona aragtidooda ku aadan qaabka ay u dhaceyso doorashada la filayo in Somalia laga qabto 2016.

Dowlada Federaalka ayaa sheegtey in 150 qof ee ku kulmaya magaalada Garowe kharashkooda bixin doonta halka maamullka Puntland xabadka u garaacey inuu la baxayo kharashka magaaloyinka kale.

Kadib su'aalo badan oo shacabku iska waydiiyeen saameynta aragtida 600 ee reer Puntland ku yeelan doonto g'ooanka guud qaabka loo marayo doorashada Somalia ka dhaceysa 2016 ayaa wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federaalka wareysi uu siiyey Jamac Deprani ku cadeeyey in codadka magaalooyinka kale ( Galkacayo, Bosaso, Tukaraq iyo Baran) aan la tixgalin doonin kulanka Muqdishu la isugu imaan doono sanadkaan dabayaaqadiisa balse uu yahay dadaal xukuumada Gaas sameysay. Halkan ka daawo

Hadalkaan ayaa wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federaalka Somalia ka sheegey isaga oo ku sugan hoyga madaxweynaha Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ka dagan yahay madaxtooyada 

Odawaa ayaa soo gaarey magaalo madaxda dowlada Puntland isaga oo ka qayb galey munaasabada xiritaanka shirka wadayshiga doorashada 2016 la filayo iney ka dhacdo Somalia.  

Madaxweynihii hore ee Puntland wareysi uu siiyey saxaafada maalintii shaley 17 Nov, 2015 ayaa sheegey in xuquuqda dastuuriga ah ee qofku tahay inuu ogaado xogta dhabta ah oo ay hayaan madaxda Somalida iyo kuwa maamulada ka tirsan Federaalka si markaas go'aan ugu gaaraan mustaqbalka dalkooda. Halkan ka dhageyso

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM