Soomaaliya: Ergayga UN-ka oo Puntland booqatay xili khilaaf doorasho jiro

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha mudo-xileedkiisu sii dhamaanayo ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Liang iyo wafdi ay hoggaaminayso.

Kulanka ayaa looga hadlay Dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidii marwalba Puntland u qaadan laheyd doorkeedii muhimka ahaa ee lagu yaqaanay, waxaa sidoo kale Kulanka looga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Gobolka Sool iyo Doorashooyinka Puntland sidii ay u dhici laheyd doorasho dimuqraadiya oo nabad ah.

Waxaa Kulanka ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.

Booqashada ergayga QM ayaa kusoo aadaysa xili xiisad siyaasadeed iyo mid doorasho ka jiraan Puntland, iyadoo Musharixiinta mucaaradka ay dhawaan sheegeen in hadii Deni doorashada ku qaban waayo waqtigeeda qaban doonaan doorasho.

Deni ayaa lagu eedeeyay inuu damacsan yahay mudo-korarsi, islamarkaana uu diiday inuu qaato go'aanadii iyo talooyinka Isimada iyo Saamileyda siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM