Soomaaliya: Maxaa ka jira in Juxa oo aad ugu dhaw Deni is-casilayo?

Image

GAROWE, Puntland - Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa ka baaqsadey inuu is-casilo kadib markii doorashooyinka golayaasha degaanka ee lagu muransanaa noqdeen kuwa la xulanayo gudoomiyasha iyo ku-xigeenada, halka ay ku imaan lahaan sanduuqa doorashadda dadka degaanka.

Sida Garowe Online ogaadey Ururka siyaasada dowlada (KAAH) iyo ururada kale ee bah-wadaagta yihiin ay banaanka ugu heshiiyeen musuq-maasuqa iyo boobka doorashada, oo u dhigeen si u adeegaysa danahooda gaarka ah, taasoo Wasiir Juxa wax ka qaban waayeen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland, kuwaas oo aad ugu dhow Madaxweynaha ka codsadeen Juxa inuusan is casilin, maadaama ay tallaabadaas dhabar-jab ku noqonayso maamulka waqtigiisu ka haray 3da bilood ee majaraha u hayo Deni.

Wasiirka ayaa ka baaqdey wafdi xukuumada Deni u dirtay magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari.

Boosaaso ayaa golaha degaanka doorahadii la filayey in laga qabto waxay noqotey mid ay banaanka kaga heshiiyaan ururka KAAH iyo kuwa kula socda nidaamka doorasho, iyadoo is-baheysigaan meesha ka saarey ururka Mideeye kaasoo xubnaha golaha degaanka ka heley 13 xubnood.

Wasiirka Juxa oo inta uu xilka hayey si aad ah uga ololeeyey barnaamijka doorashooyinka tooska ah ee golaha degaanka ayaa dadka siyaasadiisa dhaleeceeya waxay sheegaan inuu u dulqaatey sharci-jabin badan taas oo dhaawac u gaysatey nidaamka doorashooyinka Puntland oo shacabka aad uga hanweynaayeen.

Juxa ayaa marka siiyaaada soo galay noqdey 2009 Wasiirka Waxbarashada dowladii uu madaxweynaya ka ahaa Farole halka wasiir arrimaha gudaha ka noqdey dowladii Farmaajo balse xilka laga qaadey kadib markii khilaaf wada-shaqeyn la’aan ah soo kala dhexgalay RW hore ee Somalia Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM

Wasiirka Gargaarka Puntland oo su’aallo laga waydiiyay ka hortagga abaaraha

Marwo Ubax ayaa soo bandhigtay waxqabadka Wasaaradda, caqabadaha ay la kulmeen, iyo qorshooyinka lagu xoojinayo waxtarka adeegyada ay bulshada u qabato.

  • Puntland

    18-11-2024

  • 05:17AM